Monday, August 5, 2013
Tuesday, July 30, 2013
Afeef: Professor Samatar
Muqdisho madaxweynenimo daaye cid salaantaba wuu waayay. Cid fikirkii uu 20ks sanno daba socday wax ka waydiisa ayuu waayay. Wuxuu ku dareemay cidlanimo iyo qalo uusan Soomaaliya gudaheeda ka filanayin. Waxaa si cad iyo si sarbeebanba loogu yiri ma gaydid kursiga madaxweynaha. Waxaa kaloo lagu yiri ma noqon karti Raysal Wasaare sababtoo ah qolo kale oo kaa laan dheeraysan baa xaq u leh.
Arin aan is leeyahay wuu ogaa laakiin uu is lahaa taariikhdaada ayaa ka mudan ayaa hungo soo dirtay. Labaddaa xafiis ka dib wuxuu isku dayay inuu noqdo Wasiirka Arimaha dibadda. Laakiin madaxweyne kalsoonidiisu liidato oo ka baqay inuu "over shadow" gareeyo ayaa ka dul booday. Wuxuu Samatar oo 25 sanno Soomaalinimo u taagnaa ka door biday islaan 6 bilood ka hor u ordaysay kala goynta Soomaaliya.
Professor Samatar markuu arkay bah dilka iyo quudhsiga Muqdisho loogala dhaqmay nin carooday inuu wuxuu doono sameeyo way ula ekoonaatay. Qolyaha qoqobka wadaana marxabaynta beenta ah aad bay ugu dheereeyaan. Waa la marxabaysiiyay markuu Waqooyinga Soomaaliya tegay. Professorkii oo af kale ku hadlayay ayaan arkay.
Anigu wixii professorka Muqdisho kaga dhacay waan ka xumahay oo difaaci maayo. Inuu caroodo oo nin rag ah oo la xiniinyo taabtay wax walba waa ka suuroobaane waan filayay. Laakiin aniga iyo qolyo badan oo markii hore aad u taageersabaa professorkaba way nagu adkaatay wadadda uu maanta hayo.
Muqdisho wixii ka qabsaday Hargaysa xijaab ugagama xirna. Hargaysana markaa sidaa loogala dhaqmo xaggee buu aadayaa? Anigu waxaan kula talin lahaa professorka inuu u hubsado meeshuu wax u wado. Aniga kolay markaad qaab qawseen gasho waan kaa harayaa. Dad badan oo fikirkaagii hore kugula socday kuuna han waynaa arintoodu waa caro iyo qiimo jab aad u wayn. Cilmi iyo da' midna kuuma dhina. U hubso talaabadaada tan xigta. Waa iga talo iyo waano. Aragtidayda kugu aadanina waa taas. Qoraalo badan oo kugu saabsan meeshan waa saaraan yihiin. Laakiin fikirkagya shaqsiga ahi waa kaas. Maca Salaama.
Shalay: No Hargaysa, Yes Muqdisho, Maanta: No Muqdisho, Yes Hargaysa. Berito? Allow yaan waaga Waraabe cunin!
Professor Axmed Ismaaciil Samatar madaxweyne ka noqdo dalka.
Shan iyo labaatankii murashax ee ka qayb-galay tartankii madaxweyne-nimada bishii August, 2012 waxa Prof. Axmed ahaa qofka ugu badsaday ka hadalka midnimada Soomaaliya. Wuxuu ahaa nin ay sas ka qabeen kuwa u ololeeya gooni isutaaga “Somaliland”. Wuxuu ahaa nin caan ku noqday wadani-nimada iyo u-halganka midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Tartanka doorashada ka hor wuxuu ahaa wiil baari u ah Soomaaliya midaysan. iyadoo Soomaalidu u hanweyntahay oo dadka dhexdiisa ka gaaray maqaam sare ayaa doorashadii la gaadhay. Prof. Axmed ma guulaysan. Sidoo kale saddex iyo labaatan murashax oo kale ma guulaysan. Saddex iyo labaatankaas waxa ka mid ahaa rag tartano hore ka soo qayb-galay oo aan ku guulaysan. Ninwalbi hawlihii uu gacanta ku hayey doorashada ka hor ayuu isagoo aamusan oo aan cidna eedayn isaguna is-ceebayn dib ugu laabtay. Nin keliya ayaa Ummadii Soomaaliyeed eedayey isaguna is-ceebeeyey. Sidan ayay arrintaasina u dhacday:
Waraysi uu barnaamijka “Askar iyo Ameerika” ee TV-ga “SomaliSat la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa “aqoonyahanku” sheegay in markuu madaxweyne-nimada u tartamayey si cad loogu yidhi: “jagada madaxweyne-nimada waxa iska leh Daarood iyo Hawiye qof aan labadaas midkood ahaynina kama noqon karo Soomaaliya madaxweyne”. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi” Waxa la igu yidhi adigu reer Hargeysa ayaad tahay sidaas darteedna madaxweyne Soomaaliyeed ma noqon kartid”. “Aqoomyahanku” ma sheegin cidda hadaladaas ku tidhi laakiin waxa muuqata inuu hadaladaas ku daboolayey guul-daradii uu la kulmay. Ka dib waxa wareysi qaaduhu weydiiyey: “Haddii Muqdisho lagaaga yidhi waxaad tahay reer Hargeysa sidaas darteedna madaxweyne Soomaaliyeed ma noqon kartid, maxaad yeelaysaa haddii reer “Somaliland” {Isaaq} ku yidhaahdaan: “Professor, waxaad tahay nin reer Awdal ah sidaas darteedna madaxweyne “Somaliland” kama noqon kartid. Waxa “aqoonyahanku” ku jawaabay: “dee
markaas waa lagu kala tegayaa meesha “Somaliland”-na waa burburaysaa waayo “Somaliland” reer keliyi ma laha.
Hadaladaas “aqoonyahanka” waxa laga garankaraa in qoraaladiisii iyo khudbadihiisii iyo doodihiisii ku saabsanaa midnimada Soomaaliya iyo hagaajinta dawladnimadeedu aanay ka dhab ahayn ee ay ahaayeen keliya qiiq isku qarin iyo jaran-jaro uu doonayey inuu madaxnimo ku gaadho markii uu madaxnimadaas waayeyna uu ka xuub-siibtay oo “Somaliland” u diga-rogtay.
Sidoo kale sida “aqoonyahamku” cadeeyey u-diga-rogashadiisa “Somaliland” qudheedu waa qiiq isku qarin uu uga gol-leeyahay inuu ku gaadho madaxweyne-nimo haddii uu waayana “lagu kala tegayo “Somaliland”-na burburayso” sida uu sheegay.
Waxaynu sugnaaba waa waxa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar kala kulmo doorashada soo socota ee madaxweyne-nimada “Somaliland”. Sida muuqata saddex arrimood midkood ayaa dhacaya:
1- Iyagoo koonfurta Soomaaliya ku xumaynaya “aqoonyahankana” u hiilinaya ayaa reer “Somaliland” {Isaaq} waxay odhanayaan: Xilahayo furan nin aan Prof. Axmed Ismaaciil ahayni inaanu noqon Madaxweyne. Sidaas ayuu “aqoonyahanku” ku noqonayaa madaxweyne “Somaliland”na burbur kaga badbaadaysaa.
2- “Aqoonyahanka” ayaa la dooran-waayayaa halkaasna “waa lagu kala tegayaa “Somaliland”na waa burburaysaa”.
3- “Aqoonyahanka” ayaa guuldaraysanaya ka dibna wuxuu raadsanayaa meel uu “madaxweyne” ka noqdo.
Ku ducaysta in Ilaahay ina gaadhsiiyo doorashada soo socota ee “Somaliland”.
Allow aan waaga waraabe cunin.
Axmed Tabaatiig
E-mail: ahmedtabaatiig@yahoo.com
29 July, 2013
Monday, July 29, 2013
Friday, July 19, 2013
Hadalkii Toorille & Saleebaan gaal ku yiraahdeen Faysal Waraabe "Faqash iyo anaga isu kaaya daaya"!
Hadaba rag xog ogaal ah oo Hargaisa jooga waxay nooga warameen wixii Tooriile iyo Gaal ku yiraahdeen Faysal.
Tooriile ayaa markii Faysal Waraabe wacay ee u sheegay inay joojiyaan qodista berkedaha Faysal ku yiri "War ma faqash baa kula socda waa adiga iska dhigaya nin meel shishe wax ka eegaya'e" Faysal baa ugu jawaabay Tooriile isagoo Faysal ka shakisan yahay in Toorile hadalka ka duubayo ama isaga Faqash la socdo laakiin Faqashta aan dan ka lahayn laakin duubista ka baqaya; "War aniga iyo Faqash isku sheeko ma nihin oo waad ogtahaye laakiin arintan reerkiinu wado waxay hadhow keenaysaan garanayaa"
Tooriile oo eraygaasi dhibay baa ku yiri oday Faysal, "War hadaba anagaa Faqash isku sheeko ah waxaanuna ugu talo galnay maanta inaan badh Majeerteeniya ku shubno, badhna Kililka badhka kalayna cashuur kaga qaadno dhulka oo ay magan noo ahaadaane ee haday Faqash jacayl kaa tahay sheeg haddii kale Faqsh sida loola dhaqmo anaga noo daa"
Faysal oo weli shaki ka muuqdo ayaa taleefankii dhigay. Toorile ayaa ninkii Gaalnimadda jeclaa wacay oo yiri "EE kii basaaska ahaa baa nac nac nala soo doontay ee iska ilaali" Odaygii gaalka jeclaa Faysal maba sugin ee isagaa soo wacay Faysal oo la hadlaya ninka UCID u tartamaya ayaa Gaal Jecle soo wacay. Faysal long distance buu ku hadlayay markaa kamuu qaban. Gaal jecle ayaa fariin u duubay oo yiri:
"Waryaa Faysalow ka bax waxanaad ku jirto. Dhul Habar jeclo qaadatay maxaad Dhulbahante ugu celinaysa" Reerkaas anaggaa oodu naga dhaxaysaa ee anaga hanalooga daba fadhiisto. Haddii Somaliland barigooda oo dhan Isaq la wareego ictiraafku ma meel buu jirayaa? Waa wado qorshe ka dambeeyo ee adigu isha wax ka eeg hadalna yaan lagaa maqlin. Kan yar ee aad wada hadasheenna hadalkiisa meel ha u qaadin"
Faysal Faqash in la hurgufo waa ka raali laakiin xamaasadda Habar jeclaysan baa ka maqan. Maalintaa wuu aamusay maanta ayaa xamaasaddii afka laga soo jebiyay ee Habar Jeclaysnayd isagii jiidhay....
Monday, July 8, 2013
Monday, July 1, 2013
Sunday, June 9, 2013
Heestii Koonfur Africa by Qeylodhaan
Heestii South Africa! Hibaaq Mohamed
"South Africa isma oran Soomaalibaa sidii hore ku soo noqon, ka siisan mayno South Africa, suracaadda taal ka siisan mayno South Africa" Aad baad ugu mahadsantahay Abwaanimo, wadaninimo, edeb iyo qurux baad isku darsatay Hibaaqeey. Thanks for your Wadaninimo. Kolay aniga iga wadanisanid. Maalintaan Khaatumo Soomaaliya ku soo celiyo ayaan Shaati Soomaali wayn xiranayaa oo joojinayaa maagista FSG.
Thanks.
Subscribe to:
Posts (Atom)