Tuesday, July 30, 2013

Afeef: Professor Samatar

Anigu shaqsiyan uma aqaan professor Samatar. Waan akhriyay qoraalo badan uu leeyahay waana dhegaystay hadalo fara badan oo uu jeediyay. Nin calool wanaagsan oo Soomaalinimo qadariya ayaan ku aqaanay intii uuna Muqdisho tegin. Professorka waxaan filayaa Soomaali inta uu ka arkay oo ka bartay waa inta qurbaha la joogta. Intaasina markay isaga hor fadhiyaan ama la sheekaysanayaan Soomaalinimo iyo wadaninimo aan sii qodnayn bay ka sheekeeyaan. Isagoo fikirkaa qaba ayuu Muqdisho tegay. Wixii kaga dhacayna waa la soconaa.

Muqdisho madaxweynenimo daaye cid salaantaba wuu waayay. Cid fikirkii uu 20ks sanno daba socday wax ka waydiisa ayuu waayay. Wuxuu ku dareemay cidlanimo iyo qalo uusan Soomaaliya gudaheeda ka filanayin. Waxaa si cad iyo si sarbeebanba loogu yiri ma gaydid kursiga madaxweynaha. Waxaa kaloo lagu yiri ma noqon karti Raysal Wasaare sababtoo ah qolo kale oo kaa laan dheeraysan baa xaq u leh.

Arin aan is leeyahay wuu ogaa laakiin uu is lahaa taariikhdaada ayaa ka mudan ayaa hungo soo dirtay. Labaddaa xafiis ka dib wuxuu isku dayay inuu noqdo Wasiirka Arimaha dibadda. Laakiin madaxweyne kalsoonidiisu liidato oo ka baqay inuu "over shadow" gareeyo ayaa ka dul booday. Wuxuu Samatar oo 25 sanno Soomaalinimo u taagnaa ka door biday islaan 6 bilood ka hor u ordaysay kala goynta Soomaaliya.

Professor Samatar markuu arkay bah dilka iyo quudhsiga Muqdisho loogala dhaqmay nin carooday inuu wuxuu doono sameeyo way ula ekoonaatay. Qolyaha qoqobka wadaana marxabaynta beenta ah aad bay ugu dheereeyaan. Waa la marxabaysiiyay  markuu Waqooyinga Soomaaliya tegay. Professorkii oo af kale ku hadlayay ayaan arkay.

Anigu wixii professorka Muqdisho kaga dhacay waan ka xumahay oo difaaci maayo. Inuu caroodo oo nin rag ah oo la xiniinyo taabtay wax walba waa ka suuroobaane waan filayay. Laakiin aniga iyo qolyo badan oo markii hore aad u taageersabaa professorkaba way nagu adkaatay wadadda uu maanta hayo.

Muqdisho wixii ka qabsaday Hargaysa xijaab ugagama xirna. Hargaysana markaa sidaa loogala dhaqmo xaggee buu aadayaa? Anigu waxaan kula talin lahaa professorka inuu u hubsado meeshuu wax u wado. Aniga kolay markaad qaab qawseen gasho waan kaa harayaa. Dad badan oo fikirkaagii hore kugula socday kuuna han waynaa arintoodu waa caro iyo qiimo jab aad u wayn. Cilmi iyo da' midna kuuma dhina. U hubso talaabadaada tan xigta. Waa iga talo iyo waano. Aragtidayda kugu aadanina waa taas. Qoraalo badan oo kugu saabsan meeshan waa saaraan yihiin. Laakiin fikirkagya shaqsiga ahi waa kaas. Maca Salaama.

Shalay: No Hargaysa, Yes Muqdisho, Maanta: No Muqdisho, Yes Hargaysa. Berito? Allow yaan waaga Waraabe cunin!


Intii ka horeysay doorashadii madaxweyne-nimada Soomaaliya ee August 2012 waxa Professor Axmed Ismaaciil Samatar looyiqiin halyey Soomaaliyeed oo in badan ka hadlay waxna ka qoray dhibaatooyinka dalka ku habsaday iyo sida ku haboon dib u soo celinta haybaddii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed. Sida la ogyahay waxa Professor-ku ka mid ahaa dadkii u tartamay jagada madaxweyne-nimada isagoo ahaa murashaxa xisbigii Hiil Qaran. Arrimaha xisbigaasi ku soo bandhigi jiray  golayaasha siyaasadda lagu falanqeeyo mudadii doorashada ka horeysay waxa ka mid ahaa in maadaama mudadii Jamhuuriyadda Soomaaliya jirtay ay jagada madaxweyne-nimadu ku koobnayd laba reer oo keliyi {Daarood iyo Hawiye} in markan madaxweynuhu noqdo qof aan labadaas reer ahayn. Xisbigu ma caddayn sida arrintaasi u suurta-gelayso iyo qaabka loo marayo ee xaqiijin-karta in qof aan labadaas reer ahayni madaxweyne-nimada ku guulaysto waxase halkaas ka cadayd in ujeedada xisbigaasi ahayd in
Professor Axmed Ismaaciil Samatar madaxweyne ka noqdo dalka.
Shan iyo labaatankii murashax ee ka qayb-galay tartankii madaxweyne-nimada bishii August, 2012 waxa Prof. Axmed ahaa qofka ugu badsaday ka hadalka midnimada Soomaaliya. Wuxuu ahaa nin ay sas ka qabeen kuwa u ololeeya gooni isutaaga “Somaliland”. Wuxuu ahaa nin caan ku noqday wadani-nimada iyo u-halganka midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Tartanka doorashada ka hor wuxuu ahaa wiil baari u ah Soomaaliya midaysan. iyadoo Soomaalidu u hanweyntahay oo dadka dhexdiisa ka gaaray maqaam sare ayaa doorashadii la gaadhay. Prof. Axmed ma guulaysan. Sidoo kale saddex iyo labaatan murashax oo kale ma guulaysan. Saddex iyo labaatankaas waxa ka mid ahaa rag tartano hore ka soo qayb-galay oo aan ku guulaysan. Ninwalbi hawlihii uu gacanta ku hayey doorashada ka hor ayuu isagoo aamusan oo aan cidna eedayn isaguna is-ceebayn dib ugu laabtay. Nin keliya ayaa Ummadii Soomaaliyeed eedayey isaguna is-ceebeeyey. Sidan ayay arrintaasina u dhacday:
Waraysi uu barnaamijka “Askar iyo Ameerika” ee TV-ga “SomaliSat la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa “aqoonyahanku” sheegay in markuu madaxweyne-nimada u tartamayey si cad loogu yidhi: “jagada madaxweyne-nimada waxa iska leh Daarood iyo Hawiye qof aan labadaas midkood ahaynina kama noqon karo Soomaaliya madaxweyne”. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi” Waxa la igu yidhi adigu reer Hargeysa ayaad tahay sidaas darteedna madaxweyne Soomaaliyeed ma noqon kartid”. “Aqoomyahanku” ma sheegin cidda hadaladaas ku tidhi laakiin waxa muuqata inuu hadaladaas ku daboolayey guul-daradii uu la kulmay. Ka dib waxa wareysi qaaduhu weydiiyey: “Haddii Muqdisho lagaaga yidhi waxaad tahay reer Hargeysa sidaas darteedna madaxweyne Soomaaliyeed ma noqon kartid, maxaad yeelaysaa haddii reer “Somaliland” {Isaaq} ku yidhaahdaan: “Professor, waxaad tahay nin reer Awdal ah sidaas darteedna madaxweyne “Somaliland” kama noqon kartid. Waxa “aqoonyahanku” ku jawaabay: “dee
markaas waa lagu kala tegayaa meesha “Somaliland”-na waa burburaysaa waayo “Somaliland” reer keliyi ma laha.
Hadaladaas “aqoonyahanka” waxa laga garankaraa in qoraaladiisii iyo khudbadihiisii iyo doodihiisii ku saabsanaa midnimada Soomaaliya iyo hagaajinta dawladnimadeedu aanay ka dhab ahayn ee ay ahaayeen keliya qiiq isku qarin iyo jaran-jaro uu doonayey inuu madaxnimo ku gaadho markii uu madaxnimadaas waayeyna uu ka xuub-siibtay oo “Somaliland” u diga-rogtay.
Sidoo kale sida “aqoonyahamku” cadeeyey u-diga-rogashadiisa “Somaliland” qudheedu waa qiiq isku qarin uu uga gol-leeyahay inuu ku gaadho madaxweyne-nimo haddii uu waayana “lagu kala tegayo “Somaliland”-na burburayso” sida uu sheegay.
Waxaynu sugnaaba waa waxa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar kala kulmo doorashada soo socota ee madaxweyne-nimada “Somaliland”. Sida muuqata saddex arrimood midkood ayaa dhacaya:
1- Iyagoo koonfurta Soomaaliya ku xumaynaya “aqoonyahankana” u hiilinaya ayaa reer “Somaliland” {Isaaq} waxay odhanayaan: Xilahayo furan nin aan Prof. Axmed Ismaaciil ahayni inaanu noqon Madaxweyne. Sidaas ayuu “aqoonyahanku” ku noqonayaa madaxweyne “Somaliland”na burbur kaga badbaadaysaa.
2- “Aqoonyahanka” ayaa la dooran-waayayaa halkaasna “waa lagu kala tegayaa “Somaliland”na waa burburaysaa”.
3- “Aqoonyahanka” ayaa guuldaraysanaya ka dibna wuxuu raadsanayaa meel uu “madaxweyne” ka noqdo.
Ku ducaysta in Ilaahay ina gaadhsiiyo doorashada soo socota ee “Somaliland”.
Allow aan waaga waraabe cunin.
Axmed Tabaatiig
E-mail: ahmedtabaatiig@yahoo.com
29 July, 2013

Friday, July 19, 2013

Hadalkii Toorille & Saleebaan gaal ku yiraahdeen Faysal Waraabe "Faqash iyo anaga isu kaaya daaya"!


Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu sheegay in markii SNM berkedaha Kalshaale ka qodatay uu u sheegay Xirsi Tooriile & odayga Rainbowga xidha ee asaasaqay ee Gaalka faanka mooday lana baxay Saleeban Gaal inay berkedaha Kalshaale iyo dhulbalaarisga Habar Jeclaysan joojiyaan. Faysal wuu ka gaabsaday inuu sheego waxay ku yiraahdeen laakiin wuxuu sheegay in haddii uu sheego oo cadeeyo waxay ku yiraahdeen in ay colaad sii kordhinayso.

Hadaba rag xog ogaal ah oo Hargaisa jooga waxay nooga warameen wixii Tooriile iyo Gaal ku yiraahdeen Faysal.

Tooriile ayaa markii Faysal Waraabe wacay ee u sheegay inay joojiyaan qodista berkedaha Faysal ku yiri "War ma faqash baa kula socda waa adiga iska dhigaya nin meel shishe wax ka eegaya'e" Faysal baa ugu jawaabay Tooriile isagoo Faysal ka shakisan yahay in Toorile hadalka ka duubayo ama isaga Faqash la socdo laakiin Faqashta aan dan ka lahayn laakin duubista ka baqaya;  "War aniga iyo Faqash isku sheeko ma nihin oo waad ogtahaye laakiin arintan reerkiinu wado waxay hadhow keenaysaan garanayaa"

Tooriile oo eraygaasi dhibay baa ku yiri oday Faysal, "War hadaba anagaa Faqash isku sheeko ah waxaanuna ugu talo galnay maanta inaan badh Majeerteeniya ku shubno, badhna Kililka badhka kalayna cashuur kaga qaadno dhulka oo ay magan noo ahaadaane ee haday Faqash jacayl  kaa tahay sheeg haddii kale Faqsh sida loola dhaqmo anaga noo daa"

Faysal oo weli shaki ka muuqdo ayaa taleefankii dhigay. Toorile ayaa ninkii Gaalnimadda jeclaa wacay oo yiri "EE kii basaaska ahaa baa nac nac nala soo doontay ee iska ilaali" Odaygii gaalka jeclaa Faysal maba sugin ee isagaa soo wacay Faysal oo la hadlaya ninka UCID u tartamaya ayaa Gaal Jecle soo wacay. Faysal long distance buu ku hadlayay markaa kamuu qaban. Gaal jecle ayaa fariin u duubay oo yiri:

"Waryaa Faysalow ka bax waxanaad ku jirto. Dhul Habar jeclo qaadatay maxaad Dhulbahante ugu celinaysa" Reerkaas anaggaa oodu naga dhaxaysaa ee anaga hanalooga daba fadhiisto. Haddii Somaliland barigooda oo dhan Isaq la wareego ictiraafku ma meel buu jirayaa? Waa wado qorshe ka dambeeyo ee adigu isha wax ka eeg hadalna yaan lagaa maqlin. Kan yar ee aad wada hadasheenna hadalkiisa meel ha u qaadin"

Faysal Faqash in la hurgufo waa ka raali laakiin xamaasadda Habar jeclaysan baa ka maqan. Maalintaa wuu aamusay maanta ayaa xamaasaddii afka laga soo jebiyay ee Habar Jeclaysnayd isagii jiidhay....

Sunday, June 9, 2013

Heestii Koonfur Africa by Qeylodhaan

"Umushii foosha kulul iloowday miyaad tihiin" South Africa inay xor noqoto Soomaaliya qayb wayn bay ka qaadatay. Dabcan gangs & tuugo in loo xukmiyo wadankoo dhan maaha. Laakiin waxaan ka sugaynay dowladda South African inay masuuliyad iska saaraan Soomaalida wadankooda martida ku ah. Yes, and I mean Somalis should get special treatment because of our current situation and our past history. That is what I want the South African government specially the ANC leadership to do. How long can we wait?

Heestii South Africa! Hibaaq Mohamed



"South Africa  isma oran Soomaalibaa sidii hore ku soo noqon, ka siisan mayno South Africa, suracaadda taal ka siisan mayno South Africa" Aad baad ugu mahadsantahay Abwaanimo, wadaninimo, edeb iyo qurux baad isku darsatay Hibaaqeey. Thanks for your Wadaninimo. Kolay aniga iga wadanisanid. Maalintaan Khaatumo Soomaaliya ku soo celiyo ayaan Shaati Soomaali wayn xiranayaa oo joojinayaa maagista FSG.

Thanks.

Wednesday, June 5, 2013

Professor Samatar: An Avowed Unionist running the gauntlet in a secessionist enclave

samatar1Calankan qaayaha lahoow
qudheyda badhkeediyoow
intaan kuu qabo jacayl
qiyaas kuma koobi karo
hadday caanuhu qubtaan
illayn dabadood la qabay
waxaan diray qaylo dhaan
Saadaal wacan baan qabaa
sidaa ku-calool qabow    …….   Dr. Abdirahman Bayle

Let the beauty we love be what we do.
There are hundreds of ways to kneel and kiss the ground (Rumi)

Some of us may frown upon Samatar’s sudden and unexpected visit to Hargeisa. The visit may be interpreted as  a sellout of his Unionist position and a betrayal of his Hiil-Qaran party principals. Hiil-Qaran after all stood for “Coming to the aid of the failed State of Somalia as a whole”.
After he disembarked from the plane that ferried him and his entourage to Hargeisa, he knelt and kissed the ground in a gesture of a long lost son who finally came back home.  Sadly, he was greeted with the flag that he stood against for a very long time. The Somaliland flag that represents division and secession was unceremoniously draped around his shoulders as if to remind him that he is now in a land that does not believe in the blue Somali flag: a flag that sports a five pointed star representing greater Somalia for which Samatar and other unionists like him campaigned most of their adult lives.
Samatar grew up with the dream of a united Somalia and he continued pursuing that dream for most of his journalistic and academic career. The professor vehemently wrote and spoke against the secession of  his native Somaliland and decided to steer clear from the secessionist state where he could not even visit his  mother for fear of being incarcerated.
The current visit is probably his first since the collapse of the Somali State and it seems that he may have received assurances guaranteeing his well-being.  There is a sharp contrast between the treatment he received after campaigning hard to be elected as Somalia’s president;  and the treatment that Boqor Rabi,  who merely travelled to Mogadishu, received. The latter languishes in a prison serving a two year term while Samatar has been welcomed in Hargeisa although not to the level that he expected as he later admitted in his birth place, Gabilay, a city not far from Hargeisa. His sudden visit comes in the wake of a series of town hall meetings in Minnesota where he attacked the Federal Government of Somalia in Mogadishu and expressed his disappointment with the South after developing a feeling of being an outsider who was deliberately pushed aside in his attempt to run for the highest office in Somalia.

Samatar and his younger brother Abdi invested heavily in Hiil-Qaran and had high hopes of standing out in the race for Villa Somalia. Unfortunately, Samatar failed to inspire a parliament populated by opportunistic individuals who valued monetary gains over knowledge and leadership. He garnered a measly eight votes and joined the prestigious club of highly qualified also-rans that included Dr. Badiow,  Dr. Abdi-Weli Gaas and Dr. Abdirahman M. Hashi, other heavyweights who lacked a deep purse like him. It is public knowledge that thousands of dollars changed hands in the election of the current president who cannot compete against Samatar and the other candidates when it comes to leadership, charisma and knowledge. But what else could be expected from a process based on a mixture of clan politics and foreign meddling. The sad thing though is how Samatar got affected by the process to the extent of selling his soul to the secessionist enclave.
Regardless of the obvious flaws in the process of electing a Somali president, which will hopefully be rectified if and when Somalia reaches its goal of an election that does not rely on clan politics and the infamous 4.5 formula,  Samatar seems to have betrayed many who looked up to him as a unionist who defended the blue flag. His first declaration in Hargeisa was that Somaliland used to be a separate country before it gained its independence from the British and voluntarily joined South Somalia to form the Somali Republic. Such a statement uttered by a highly qualified scholar is indeed worrisome and may signal a new Samatar who may have turned his back on a long and illustrious unionist legacy.
His declared intention of visiting all corners of Somaliland including remote towns like Eirgavo may stem from his desire to gauge the extent of the secession sentiment among the population of the former British Somaliland and thus justify his new position. Hopefully he will include Unionist bastions like Badhan, Las Qoray, Las Anod, Buhodle and Taleh in his itinerary.
On a positive note, his visit may herald a new dialogue in former British Somaliland between secessionists and unionists in which Dr. Samatar, with his persuasive arguments,  can paint a clear picture for the Somaliland leaders:  that they may have hit a brick wall in their fruitless endeavor to seek world recognition and that it is about time for a new strategy that brings together all Northern clans in a setting like the famous “Gol Khaatumo”  after convincing Silanyo to withdraw his militia from all Unionist territories.
Short of that, Samatar will just become another frustrated XaglaToosiye in Hargeisa even if he is offered the Foreign Affairs portfolio in Somaliland as some analysts are predicting.
Ali H. Abdulla
aliegeh@gmail.com