Waa run intii hada la xusuusto in dooxada
Nugaaleed ay amuuro badan tahay , oo marba wax lagu hadal hayo ,Mar
waxaa lagu hadalhayn jiray meeel ay degaan dad fardooley ah oo loolan
iyo dagaal derisyadooda ugu taagmaan .Mar waxaa lagu tilmaami jiray meel
ay degan tahay xer quraan ilaahay taqaan oo cilmiga ku ruuga oo ay
degan yihiin dad culimada ixtiraamaa .Arintaasi waxay keentay in ay soo
jiidato culimo aad cidahoodu Nugaal degi jirin sida Sheekh Cali
Majeerteen iyo Cabdule Hassan iwm .
Si kastaba ha ahaatee waxyaabaha dadka reer
Nugaaleedku ogaayeen mudo dheer oo ku siman ilaa1954 waxaa ka mid ahaa,
waxyaalaha loo yaqaan shirkadaha shidaalka dagaalkii labaad kadib .
Shirkadaha dhulka baadhay ee dadku yaqaaneen waxaa ka mid ahayd
Sinclur,Aramco ,Roche iwm .
Waxayaalaha aan ilaa hada la ogayn waxaa
kamid ah in dowlada Ingiriisku sababtay dhulka lagu baabiyey kharash
dhaqaale ahaan, dhimasho nafeed ahaan dagaalka uga dayn wayday in ay
ahayd garashada ay dhulka dabeecadiisa ulahayd . Waxaan shaki ku jirin
waagii la weeerarayey qalcada wadaadka in ingiriisku ka hor ka baadhay
shidaal oo ka soo saareen Baxrayn iyo Iiraaan , xataa dhinaca waqooyiga
soomaaliya ay haysteen sida Berbera agteeda buuraha Saylac iyo barbara u
dhexeeya way baadheen oo ay raadad wacan ku arkeen Laba sanno ka hor
weerarkii Qalcada .
Si kastaba ha ahaatee Ingiriiska oo udiyaar
ahaa in uu mandaqada waqooyi iskaga baxo sanadihii kontameeyadii
maadaama heshiis ka NATO lagu sameeyey ee ay kala saxeexdeen Churchil
iyo Truman madaxweynihii Maraykanka iyo Ra iisul wasaarihi Ingiriiska .
In dadyowga la gumaysto xoriyad la siiyo , laakiiin Maraykanka iyo
Ingiriisku kaydka macdaneed ee ku jira wada qaybsadaan .
Hal mar ayaa buuraha Laascaanood lagu arkay
shirkado Maraykan aan dhulka hore looogu aqoon laakiin magaca Maraykanku
waagaas waa calan walaynayey oo caruurtaa tiqiin ,maadaama uu ahaa
dowladii dagaaalkii labaad guulaysatay . Arinka shidaal baadhka dowlada
Talyaanigu waa wehelisay , oo ku doodaysa in iraadada dadka reer
Nugaaleedku in aanay la socon Hargeysa , isla markaana quutal
daraynaysay in dadkaasi fekerka SYL taageersan yihiin saa daraadeed waa
lagu arkayey khubarad wax baadhaysa say cadeeyeen dad shaqaale
shirkadahaa ka ahaa noo wax dhintay iyo wax noolba leh . Waxay baadhid
ku ekeeyeen Nugaal afar goobood ooo kala fog iyo meel carro Warsangali
ah .
Mutacalin reer Laascaanood oo maanta nool
waxa uu ka sheekeeyey waxyaalaha macdan baadhayaashu lahaayeen . Arinta
Ingiriiska waxay ku noqotay halxidhaale ka yaabiyey , ma dadkii aad
dishay , gumaysay , dadka ilaahay ugu nacbayd baa dantaadii gashay . In
kastoo Ingiriisku waagii danbe beesha xoogaa cadho ka bi in ah oo uu
ixtiraam u muujiyey.
Dawlada Ingiriisku waxay waqooyi ka baxday ka
dib markay u cadaatayiin dadka waqooyi degaa waxba heshiiis ku ahayn .
Midowgii labada gobol arinku waxay ahayd oo madaxdii waagaas
mashaakilkoodaa kabadnaa,Waxaa la sheegaa in ra iisul wasaarihii hore ee
Soomamaaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke aalahu naxariistee kala hadlay
safarkiisii Maraykanka John Kennady Laakin Maraykanku waaga uma
diyaarsanayn arinka.
Curashadii kacaanka waxaa reer galbeedka
cabsi galiyey caga juglayntii iyo cadaan nacaybka Siyaad Barre baa
cabsi wayn ku abuurtay ,Sanadihii kacaanka dhashayba waxay soo direen
taliyahiidi nabadsugida mulkiile macdaneed caan ah Goerge Bush aabaha
ahaa .
Bush wax uu walaac ka muujiyey hadaan Siyaad
Barre heshiis mudo dheer lala saxeexan in uu dhulka ummado kale ku
wareejinayo .1973 baa Conoco oo midhaa ka soo xuub siibatay shirkadihii
dhulka baadhay oo hore . ayaa Siyaad Barre la saxeexatay heshiis ku eg
1973-1993 ,Siyaad barreiyo shirkaduhu dhufays bay isugu jireen 1987 .
Sanadkaas baa shirkadaha reeer galbeedku ku
doodeeen in ay wax bilaabayaan , hada ogow waa bilowgii fowdada ,Intaas
in ay la gaadhayso may moodayn ,Horaa loo yidhi waxaad aadanoow maagan
tahay adiyo maankaagu iyo meel ilaahay ku mari kala mid weeyeene, Siyaad
Barre waa la socday qaradkooda nin ciyaar isku dhiibana ma ahayn ,
Iyaga alloheede Sadaam HUsseen bay isku xidhnaayeen baa la lahaa kaas oo
caan ku ahaa ka soo horjeeddka Imbiryaaliyada iyo ninka cad shirkadaha
shidalkana ay hore isu muteen , meesha Siyaad Barre iyo shirkadahu iska
tooganayeen waxay ahayd bal nooca xukunka odayga gaboobay cimri ahaan
iyo caafimaad ahaanba , ama tii alle u timaado . Arinkaas Siyaad
barre uma daymo la,ayn , waxa uu la raacay say rabeen wax uu bedelay
dastuurkii oo uu ka dhigay mid waafaqsan waxyaalaha ay qarnigi horre
bulshooyinka uga gaban jireen markay duminayaan xukumada bulshooyinkaasi
dhisteen .
Siyaad Barre waxa uu ku baaqay axsaab badan
iyo in dastuurka la bedelo .Siyaad Barre waxaa jeebka ugu jiray
xisbigiisa afar xaraflaha ahaa XHKS , waxyar oo walaac ah baa xili yar
lagu abuuray ka socday madaxtooyada cida bedeli karta isaga in ay noqoto
caa iladiisa uu ka dhashay Mareexaan . Laakiiin Siyaad Barre oo ahaa
khabiir waaayo arag ah ehelkii iyo cashiirooyinkii kale, ee la socda
danta dawladaha ajnebiga ee Nugaal shidaalka ka qodaya iyo Saylac
.,Waxaa go’aan u ahayd in uu XHKS Soomaaliyeed iskaga wareejiyo wiilka
uu sodaga u ahaa xaafada guuud eebeelaha Daaroodna ku weheliyey golaha
siyaasada qolada aqoon ahaan dowlada taageertana ugu badan ka dhashay oo
ahaa dad mutacalimiin ahaa oo waagii Ingiriisku uu cadho ka bi iska
waday wax la baray , kuwaaas oo waliba waaagaa colaad xun kula jiray
jabhadaha dowlada ku kacsan ku naf baxayey si ay u sugaan goobaha ay
udhasheen ee shidaalka laga qodayo .
Siyaad Barre waxa uu ku dhawaqay in uu XHKS
ku wareejiyey Axmed Saleebaan Cabdalle (Ina dafle) ,oo uu ka wareejiyey
Cabdulqaadir Xaaji Masale oo uu bilo ka hor u magacaabay. Arinkani
waxay walaac ku abuurtay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka oo isku si u
fekera , Ninkaan la magacaabay waa sarkaal ka baxay kulliyadaha ugu
sareeya ee carriga Ingiriiska ,Ninkaan waxbarashadiisu waa waxbarasho
toos ah (formal education) ,yacni hoose ,dhexe ,sare sheikh.
Ninkaan waa ciyaal dariiqo waxa looga yaqaan
magaalada sheikh (Andarawiya ) ,waa farac ka tirsan Saalixiyada
Axmadiya waa meeshii ugu horaysay ee wadaadka Sayid Maxamed Cabdalla
Xassan shir ku galo maalintii uu ka soo baxay Berbera sidii bay hada u
daganayd dagaaladii sokeeye ka hor ,sida biyaha cariga u yaqaan .
Ninkani waa wadani aan ogolayn in uu si
fudud damiirkiisa ku iibsado damiirkiiisa ,Ninkaan waxay isku
xidhnaayeen Sir doonka Masar ,iyo ,Ciraaq ,Ruush waagii uu ahaa taliyaha
nabad sugida ahaa . Ninkani waa reer Taleex ama reer Xudun xukuma
buuraha Holhol ee shidaalka laga baadhayo , ninkani waa ciyaal Seikh
wada garanaya ragga xabada ka ridaya Shiekh iyo Ceel afwayn oo
xalinkaraya cabitanka dadk reer waqooyiga sheeganayaan ,cadhada ay ka
qaadeen sida ina barre ula fastuuray dawladaha reer galbeedka baa keenay
in ay dariiq jahanami ah qaadaan oo ay soomaaliya burburiyaan waa inoo
qormo danbe oo aan kaga hadli doono burburkii iyo damaca SSDF IYO SNM
iyo heshiisyadii ay galeen
Qore Faarax Jaamac Xaqdoon