Warka manta soo baxay ayaa wuxuu sheegayaa in nimankii SNM
hoos fadhiyay intii “Goo-garaddu” maamulaysay mooyaane intii kale inay bishinta
calaalinayaan.
Xaabsadde oo 23kii sanno ee Soomaali burbursanayd maamuladda
hareerahana la joogay ayaa manta oo cimri uu joogo ogaaday in xaalkiisu aakhiro
seeg yahay. Lugooyadiisii ugu waynayd waxay ahayd isagoo SNM u gacan geliyay
degaan badan oo reer Khaatumo. Isagana markii dantii laga lahaa laga gaaray baa
banaanka loo tuuray. Maantana wax laga waydiiyo deegaankiisii iyo dadkiisii ma
jiraan.
Waa ta isagoo Hargaysa SNMta magan u ah lagu duulay
Garaadkii guud ee Dhulbahante isagana garaad qoys u ah. Waa midda cid kasta oo
damiir lahi ay qaadan wayday in Garaadkii oo jooga meelaha ugu fog xuduudda SNM
in inta loo tago isagoo gurigiisii jooga gurigiisii loogu galay! Ninka manta taa
qaatay ee ka sii darane aan xitaa loo sheegin qorshaha iyo waxa laga samaynayo
deegaankisii laguna sharfin Garaadkiisii ayaa hadda ogaaday xaqiiqda 14 jirka
Kalabaydh joogaa uu ogyahay. Waxay manta
ogaadeen kuligood waxa ay xaqiiqatan yihiin oo ah “Ag Fadhiyaal” ku hoos nool horqodaal
reereed una fadhiya cad quureed. Waa ta manta iyadoo caruur, ciroole, wax garad
iyo dhamaan reerkoodii ay ka tashanayaan aayahooda ay weli hoos fadhiyaan SNM
is waydiinayaana war maxaa xigi?
Waa ka manta isagoo 80 jirka ah yiri “Qoomamo” ayaa I haysa.
Qoomamo nin da’ yar iyo nin go’aan fudud si sahlan ku qaatay waa looga fadhiyaa
laakiin 80 jir inuu dhaqankiisii yiraahdo waan ka qoomamaynayaa waa wax laga
argagaxo.
Waxaan is lahaa horgaleyaashu waa hunguri badan yihiin
laakiin damiirkii kama dhamaan. Maalintaan maqlay in Garaad Jaamac gurigiisii
la galay oo ay ogaayeen ayaan ka rajo dhigay. Niman damiirkii ka dhintay oo habaarkii
dadkoodu ka soo if baxay baan u qaatay.
Haddiise laga qariyay oo ayna ogayn, taasi macno kale ayay
samaynaysaa. Waxay tusaysaa nimanku in meesha caloosha keliya ay la joogaane ee
aanay talo, xushmad iyo qadirin toona ku lahayn. Niman sheegta inay matalaan
dad, dowlad ka tirsan yihiin, dadkii ay mataleen iyo dalkiina marka sidii la
rabo laga yeelayo aan lala socodsiin, micnaheedu waxaa weeye raggu meesha in
laga soo xoreeyo ayay u baahan yihiin. Malaha waaba falan yihiin.
Maanta laga bilaabo, qolyaha Goo-garaduhu xambaareen ee
Hargaysa looga taliyo iyaga rajo kama qabo, laakiin intii kale inaan soo
furdaamiyo ayaan isku dayayaa. Xorayn fikriyan ah ayay u baahan yihiin. Aad
baan uga xumahay in sidii loo bah dilo. Doqomo hunguri badan ha u badnaadaan
laakiin sida muuqata iyaga laftooda ayaa Laas Caanood ka hor la qabsaday. War nacalaa
shaydaan ku yaale raga ha la xoreeyo!
Dhoodaan, AHU maxaad ka tiri arintaan?
Faqa
soo dhamaaday ee, ogaan loogu fulinaayo
Nacas
fooraraa yeela, iyo ficilka doofaare
Fariid kamaba suurowdo iyo, geesi fool adage
Rag fidaa'inimo sheegta, oo meel facshara taagan
Runta anoo ka fuuryeeli, waa inaan shir feydaaye
Markii aad shacbiga fuuqsatee, dili fariidkaaga
Garaadiyo fuluus bay dabeed, kuu fasaxayaane
Loomaba fadhiyin waa amuur, xaal fashiiste ahe
Darajada faduusha ah, waxay fadhato kuu siisay
Amay faraqa lacagtaad ku shuban, kuugu fidinayso
War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?
War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?