
Intii ka horeysay doorashadii madaxweyne-nimada Soomaaliya ee August
2012 waxa Professor Axmed Ismaaciil Samatar looyiqiin halyey
Soomaaliyeed oo in badan ka hadlay waxna ka qoray dhibaatooyinka dalka
ku habsaday iyo sida ku haboon dib u soo celinta haybaddii iyo
midnimadii ummadda Soomaaliyeed. Sida la ogyahay waxa Professor-ku ka
mid ahaa dadkii u tartamay jagada madaxweyne-nimada isagoo ahaa
murashaxa xisbigii Hiil Qaran. Arrimaha xisbigaasi ku soo bandhigi
jiray golayaasha siyaasadda lagu falanqeeyo mudadii doorashada ka
horeysay waxa ka mid ahaa in maadaama mudadii Jamhuuriyadda Soomaaliya
jirtay ay jagada madaxweyne-nimadu ku koobnayd laba reer oo keliyi
{Daarood iyo Hawiye} in markan madaxweynuhu noqdo qof aan labadaas reer
ahayn. Xisbigu ma caddayn sida arrintaasi u suurta-gelayso iyo qaabka
loo marayo ee xaqiijin-karta in qof aan labadaas reer ahayni
madaxweyne-nimada ku guulaysto waxase halkaas ka cadayd in ujeedada
xisbigaasi ahayd in
Professor Axmed Ismaaciil Samatar madaxweyne ka noqdo dalka.
Shan iyo labaatankii murashax ee ka qayb-galay tartankii
madaxweyne-nimada bishii August, 2012 waxa Prof. Axmed ahaa qofka ugu
badsaday ka hadalka midnimada Soomaaliya. Wuxuu ahaa nin ay sas ka
qabeen kuwa u ololeeya gooni isutaaga “Somaliland”. Wuxuu ahaa nin caan
ku noqday wadani-nimada iyo u-halganka midnimada Jamhuuriyadda
Soomaaliya. Tartanka doorashada ka hor wuxuu ahaa wiil baari u ah
Soomaaliya midaysan. iyadoo Soomaalidu u hanweyntahay oo dadka dhexdiisa
ka gaaray maqaam sare ayaa doorashadii la gaadhay. Prof. Axmed ma
guulaysan. Sidoo kale saddex iyo labaatan murashax oo kale ma guulaysan.
Saddex iyo labaatankaas waxa ka mid ahaa rag tartano hore ka soo
qayb-galay oo aan ku guulaysan. Ninwalbi hawlihii uu gacanta ku hayey
doorashada ka hor ayuu isagoo aamusan oo aan cidna eedayn isaguna
is-ceebayn dib ugu laabtay. Nin keliya ayaa Ummadii Soomaaliyeed eedayey
isaguna is-ceebeeyey. Sidan ayay arrintaasina u dhacday:
Waraysi uu barnaamijka “Askar iyo Ameerika” ee TV-ga “SomaliSat la
yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa “aqoonyahanku” sheegay in
markuu madaxweyne-nimada u tartamayey si cad loogu yidhi: “jagada
madaxweyne-nimada waxa iska leh Daarood iyo Hawiye qof aan labadaas
midkood ahaynina kama noqon karo Soomaaliya madaxweyne”. Isagoo
hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi” Waxa la igu yidhi adigu reer Hargeysa
ayaad tahay sidaas darteedna madaxweyne Soomaaliyeed ma noqon kartid”.
“Aqoomyahanku” ma sheegin cidda hadaladaas ku tidhi laakiin waxa muuqata
inuu hadaladaas ku daboolayey guul-daradii uu la kulmay. Ka dib waxa
wareysi qaaduhu weydiiyey: “Haddii Muqdisho lagaaga yidhi waxaad tahay
reer Hargeysa sidaas darteedna madaxweyne Soomaaliyeed ma noqon kartid,
maxaad yeelaysaa haddii reer “Somaliland” {Isaaq} ku yidhaahdaan:
“Professor, waxaad tahay nin reer Awdal ah sidaas darteedna madaxweyne
“Somaliland” kama noqon kartid. Waxa “aqoonyahanku” ku jawaabay: “dee
markaas waa lagu kala tegayaa meesha “Somaliland”-na waa burburaysaa waayo “Somaliland” reer keliyi ma laha.
Hadaladaas “aqoonyahanka” waxa laga garankaraa in qoraaladiisii iyo
khudbadihiisii iyo doodihiisii ku saabsanaa midnimada Soomaaliya iyo
hagaajinta dawladnimadeedu aanay ka dhab ahayn ee ay ahaayeen keliya
qiiq isku qarin iyo jaran-jaro uu doonayey inuu madaxnimo ku gaadho
markii uu madaxnimadaas waayeyna uu ka xuub-siibtay oo “Somaliland” u
diga-rogtay.
Sidoo kale sida “aqoonyahamku” cadeeyey u-diga-rogashadiisa
“Somaliland” qudheedu waa qiiq isku qarin uu uga gol-leeyahay inuu ku
gaadho madaxweyne-nimo haddii uu waayana “lagu kala tegayo
“Somaliland”-na burburayso” sida uu sheegay.
Waxaynu sugnaaba waa waxa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar kala kulmo
doorashada soo socota ee madaxweyne-nimada “Somaliland”. Sida muuqata
saddex arrimood midkood ayaa dhacaya:
1- Iyagoo koonfurta Soomaaliya ku xumaynaya “aqoonyahankana” u
hiilinaya ayaa reer “Somaliland” {Isaaq} waxay odhanayaan: Xilahayo
furan nin aan Prof. Axmed Ismaaciil ahayni inaanu noqon Madaxweyne.
Sidaas ayuu “aqoonyahanku” ku noqonayaa madaxweyne “Somaliland”na burbur
kaga badbaadaysaa.
2- “Aqoonyahanka” ayaa la dooran-waayayaa halkaasna “waa lagu kala tegayaa “Somaliland”na waa burburaysaa”.
3- “Aqoonyahanka” ayaa guuldaraysanaya ka dibna wuxuu raadsanayaa meel uu “madaxweyne” ka noqdo.
Ku ducaysta in Ilaahay ina gaadhsiiyo doorashada soo socota ee “Somaliland”.
Allow aan waaga waraabe cunin.
Axmed Tabaatiig
E-mail:
ahmedtabaatiig@yahoo.com
29 July, 2013